Wararkii ugu dambeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab oo la wareegay Matabaan

Matabaan (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse hoos tagto maamu Goboleedka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegtay Matabaan markii ay isaga baxeyn ciidamadii Booliska ee ka tirsanaa Galmudug kuwaas oo magaalada isaga baxay markii ay heleen aqbaar sheegeysa in ciidamada Al-Shabaab gudaha usoo geli rabaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan gudaha degmada lagu arkaayo dagaalyahanada Shabaab oo koox koox u socda.

Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay xarunta Degmada iyo Saldhigga halkaas oo la sheegay inay burburin ka wadaan sidii ay dhawaan ku sameeyeen markii ay qabsadeen.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna,  waxaana bilihii lasoo dhaafay ay wajahday xaalad amni daro.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeybta 27-aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeyn Matabaan kadib markii ay isku dhaceyn maamulka Galmudug waxay Matabaan hooy u noqotay kooxda Al-Shabaab, waxaana degmada lagu reebay ciidamo yar oo ka tirsan Galmudug kuwaas oo isaga baxayo magaalada markii ay ogaadaan in kooxda Al-Shabaab ay weerar soo qaadi rabto.