Weeraradii Liido & Gaalkacyo – laba xaalad oo is shabaha

Xalay iyo habeen hore waxaa dhacay labo weerar oo midi uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo midkii lagu qaaday hotelka cusub ee lagu magacaabo Pescatore oo ku yaalla inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Labada weerar ayaa marka la eego cidda lagu bartilmaameedsaday aad isu shabaha, inkastoo kooxaha fuliyay weerarka ay labo kala yihiin.

Weerarkii Gaalkacyo habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur “Sanyare” ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid amniga lagu sugayay isagoo ku eedeeyay wasiir Cabdisaciid inuu dusha soo saartay wax uu ku sheegay “ka mira-dhalinta siyaasad madhalays ah iyo khal-khal galinta amniga guud ee magaaladda Gaalkacyo”, isla markaana Puntland ay sida Al-Shabaab ula dagaalameyso cid walba oo khatar ku ah nabad-gelyadda magaalada iyo Puntland.

Weerarka labaad ee hotel Pescatore oo ay sheegatay mas’uuliyadiisa Al-Shabaab ayaa bartilmaameedkiisu ahaa taliyaha booliska Jen. Xijaar iyo xildhibaano kasoo wada jeeday hal beel oo Sool degta.

Dad badan oo si weyn baraha bulshada u adeegsada ayaa aaminsan in labada shir ee Gaalkacyo iyo Liido ahaayeen labo xaaladood oo loogu ololeynayay madaxweyne Farmaajo oo dhiig ku daatay.

Balse xaqiiqda ayaa ah in midkii danbe ee Liido uu ahaa mid ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab oo cidina aysan aqoonin, cid walbana oo ka tirsan dowladda ama ku lug leh ay bartilmaameedsadaan laguna tilmaami karin mid siyaasadeed oo cid gaar ah lala eegtay.

Hase ahaatee midkii Gaalkacyo ayaa u muuqday mid siyaasadeed oo Puntland u aragtay shir lid ku ahaa ololaha doorasho ee Saciid Deni.