Madaxda Soomaalida oo shirkii magaalada Brussels ka sameeyey arrin ceeb ah

Brussels  (Caasimadda Online) – Madaxda Dowladda Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa shirkii Xalay kusoo dhamaaday Magaalada Brussels ka sameeyey arrin ay aad ula yaabeen madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee u imaaday inay kaalmo dhaqaale siiyaan dowladda Soomaaliya.

Arrinta yaabka badan oo ay sameeyeen madaxda Soomaalida ayaa aheyd inaysan Xitaa Files ay qodobada ku notes gareeysaan la tegin Shirkii Brussels iyo Ajaaniibta oo la yaaban!!

Shirkii lagusoo gabagabeeyay Magaalada Brussels Ee dalka Biljimka ayaaa waxaa laga diiwaan geliyay ilaa iyo dhowr qodob kuwaasi oo cadeeynaayay Nidaam daro iyo fowdo cad oo aan la dhayalsan Karin taasoo ay ku kaceen madaxda Soomaalida.

Sida caadada ah marka laga qeybgalayo shirarka waa inay madaxda qaataan Book ama waraaqo ay ku qortaan qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlay, sida loo xalin karo iyo qaabka looga hortagi karo dhibaatooyinka balse taas lagama helin madaxda Soomaalida.

Taas badalkeeda dhammaan madaxdii ka socotay beesha Caalamka ayaaa waxaa ay dhamaantood wateen book notes-yo ay ku qoranaayeen waxyaabaha ay ka codsadaan madaxda Soomaalida.

Midda sida weyn cajiibka u aha yaa aheyd raggii gudbinaayay codsigga ee dalbanaayay in dhaqaalle la siiyo ma aysan wadan qoraal iyo qodob u calaameeysnaa kuwii laga codsanayeyna waxaa ay qoranayaaan waxa ay ku hadlaan.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Qaar ka mid ah golaha wasiiradda xildhibaano Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada maxaa ka dhigay rag isku mid ah maxaasa looga waayay shaqsi caqligiisu siiyo in uu ugu yaraaan qaato books notes, xitaa qaarkood ayaaa telfoono ku mashquulsan.

Shirkii Brussels kusoo dhammaaday ayaa madaxda Soomaalida u ahaa cashir lama iloobaan ah waxaana laga yaabaa inay shirarka dambe iska badalaan dabeecadaan ay la yaabeen Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com