Maxaad mucaaradka DF ka taqaan, qeybaha ay u kala baxaan iyo danahooda?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa mucaarad aad u adag oo kaga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa mucaaradka ka jira Soomaaliya iyo haddii uu yahay midkii saxda ahaa ee dan ugu jirto shacabka iyo Dalka.

Mucaaradka sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inuu dowladda tuso qaladaadka ay leedahay isla markaasna uu soo bandhigo qaabka loogu gudbi karo iyo sida uu xalka ku jiro.

Taas badalkeeda mucaaradka ka jira Soomaaliya wuxuu xoogga saaraa arrin midaas ka duwan waxayna u kala baxaan laba qeybood:

Qeybta 1-aad: Xil doon

Qeyb ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda waa kuwa ay kaliya u muuqato sidii ay ku heli lahaayeen xilal iyo mansab, midaasna waxay keentay inay ka hadlaan kaliya waxa ay iyaga dantooda ku jirto.

Mucaaradkaas ayaa faagfaago boogo ay dowladda Soomaaliya leedahay, tusaale ahaan waxaad arkeysaa Wasiirka Arrimaha debadda ayaa tagay Kigali wuxuu soo saxiixay heshiis oo laga yaabo inuu ganacsatada Soomaaliyeed dhibaato u keenoo qof mucaarad ah oo ka hadlay majiro.

Balse mucaaradkii waxay ka hadlayaan wiilal 17 jiro ah oo cayaaro soo cayaaray bajaaj baa la saaray ayey leeyihiin, laakiin kama hadlayaan waxyaabaha muhiimka ah oo ay dowladda soo saarto.

Kama hadlayaan nidaamka IMF ay dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirto ee sameeneyso iyo dhibaatada ay Soomaaliya u keeni karto balse waxay ka hadlayaan Xasan Cali Kheyre oo cunug oonayo Xambaarsan oo isisoo sawiray.

Mucaaradkaas maahan mid dhisayo dalka Soomaaliya iyo mid raadinayo danta Shacabka balse kaliya wuxuu raadinayaa sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ama uu u heli lahaa xilka uu raadinayo.

Qeybta 2-aad: Lacag doon

Mucaaradka labaad ee ka jira dalka Soomaaliya waa mid lacag doon ah oo kaliya fiirsado sidii uu lacag ku heli lahaa wuxuuna la safanayaan cid kasta oo lacag siineyso, waxayna qeybtaan mararka qaar isticmaalaan laba waji oo laba dhinac lacag uga qaataan.

Sifooyinka ay Mucaaradka jaga doonka ah kusoo sheegnay oo dhan way wadaagaan labada qeyb ee uu mucaaradka Soomaaliya u qeybsamo.

Waxaan kuwaan tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa Madaxda Maamul Goboleedyada oo dowladda Imaaraadka lacag kasoo qaatay isla markaasna ka hor imaaday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Sidaas darteed siyaasiyiintaas waxay ku dadaalaan sidii ay u fulin lahaayeen dalabaadka dowladda Imaaraadka Carabta waxaana kaliya u muuqato lacagtaas ma jirto dan ay ka leeyihiin dowladnimo iyo shacab Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com