Madaxdii hore ee Puntland oo sheegay cidda mas’uulka ka ah dhacdadii Boosaaso

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku dhaleeceeyey dagaalkii Boosaaso ka dhacay Axaddii oo ay ku dhinteen 11 qof.

Dagaalkaas ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen ciidamada ka wada tirsan Puntland oo ay dhexmartay dood ku saabsan diyaarad ay saarneyd Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo loo diiday inay kasoo degto garoonka Boosaaso.

War-saxaafadeedka oo ay sidoo kale ku wehliyeen Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS), Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland), Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland) ayey dhacdaas mas’uuliyadeeda ku eedeeyeen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. 

WARSAXAAFADEED  

Annagoo ah Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole (Madaxweynihii hore ee Puntland), Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (RW hore ee DFS iyo Madaxweynihii hore ee Puntland), Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS), Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland), Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland), waxaan halkaan ku soo jeedineynaa arrimaha soo socda:  

1. Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii June 2022. Waxaan intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo iimaan. Inta dhaawaca ahna Allaha siiyo caafimaad dhaqsa ah.  

2. Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland. 

3. Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa. 

4. Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay. 

5.Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariiqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. 

6. Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.  

Wabillaahi Towfiiq