Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho oo isku dhiibay ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la xiray Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale oo ka tirsan xafiiskiisa kuwaa oo loo xiray musuq ay geesteen.

Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa Xafiiskiisa ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada xirin mas’uuliyiinta kale, waxa uuna markii danbe is geeyay xarunta baarista ee CID-da.

Axmed Samow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in xiliga ay Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa iminka lagu baarayaa Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan.

Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana waayadii ugu danbeeysay musuqa ka dhex socday isha ku hayay xafiiska Hanti dhowraha oo howlahaasi qaabilsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com