Fahad Yaasiin oo kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada, dalab uu hordhigay: Akhriso

Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA.

Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA.

Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa caasimada u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo.

Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com