Ruushka oo ifisay miraha ka dhalankara Heshiiska Somalia iyo Eriterea

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo sanado badan kadib ay heshiis kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Eriterea ayaa waxaa heshiiskaasi taarikhiga ah markii ugu horeysay ka hadlay Dowladda Ruushka.

Dowladda Ruushka,ayaa sheegtay in heshiiska Somalia iyo Eriterea uu muhiim u yahay xasiloonida Gobolk.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee u biloowday dalalka Somalia iyo Eritrea uu muujinaayo in Africa ay indhaha kala qaadey xili laga deyrinaayay xasiloonida ka jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa qoraalka Wasaarada lagu sheegay in dowladda Ruushka ay baqdin ka qabto in dhexda loo galo isku soo dhawaanshaha dowladaha Africa oo iyagu u kala jabay Khaliijka, hase yeeshee ay aad usoo dhaweynayaan isbedelka ay ku talaabeyso Somalia.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xiriirka cusub ee labada dal xitaa ay faa’iido u tahay dalalka deriska la ah Somalia iyo Eriterea.

Ruushka waxa ay tilmaantay in Heshiiska labada dal uu horseedi karo is dhexgal labada shacab iyo in la hormariyo xiriirka diblumaasi iyo kan Ganacsi.

“Isbedelka dhacay waxa uu mustaqbal wanaagsan u yahay labada dal iyo guud ahaan Gobolka, waxa uu horseedi doonaa iskaashi dhan waliba ah”

Dowladda Ruushka ayaa farta ku fiiqday sida ay muhiim u tahay in Dalka Eritrea uu dib ugu laabto xubinnimada Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay muddo dheer ka maqneyd.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhamaadka bishii la soo dhaafay booqasho 3 cesho qaadatay ku tagay Dalka Eritrea,waxaana uu halkaas heshiis ka koobaan afar qodob kula saxiixday dhiggiisa Eritrea.

Geesta kale, todobaadkii la soo dhaafay Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Erittea Cismaan Salax ayaa booqasho labo cesho qaadatay ku yimid Muqdisho, taa oo Ruushka ay ku micneysay mid kamid ah isbedelada Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com