Daawo: Shirkada DP World oo qalabkii ugu horeyay geysay Dekada Berbera xili aan munaasib aheyn

Hargeysa (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa muddo dheer kadib qalabkii ugu horeyay geysay Dekadda Berbera oo idinkii lagu bixiyey uu yahay mid weli lagu muransan yahay.

Shirkada DP World oo heshiiska ballaarinta Dekadda uu ka dhamaaday ayaa asbuucii hore dalbatay in loogu darro laba sano oo dheeri, taasi oo keentay inay soo dadajiso qalabka lagu hormarin lahaa Dekadda si wakhti dheeri ah loo siiyo.

Qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera ayaa waxaa ku jira qalab casri ah oo suuragalin kara in Dekadda ay kusoo xirtaan Maraakiib badan, kuwaa oo la filaayo in lagu hormarin doono guud ahaan Dekadda oo aan sanado badan helin dayactir.

Qalabka markii ugu horeysay la geeyay Dekadda ayaa waxaa la socda Injineero la wareegi doona dayactirka Dekadda oo wakhti qaadan doonta.

Injineerada ayaa xooga saari doona goobaha loogu tallo galay inay ku xirtaan Maraakiibta rarka sida iyo wax ka bedelka muuqaalka guud ee Dekadda.

Hoos ka daawo qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera iyo qorshooyinka laga damacsan yahay: