Madaxtooyada Puntland oo war kasoo saartay kulankii Deni iyo beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay xarunta Xalane.

Xubnaha uu la kulmay Deni ayaa waxay kala yihiin Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Kulankaan wuxuu qeyb ka yahay kulamo dhawr ah oo loogu gogol xaarayo shir ka dhaca Muqdisho oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya si loo dhameystiro heshiiska doorashada oo ay caqabado badan ku gudban yahiin, walina aan waddo toosan loo helin.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa ka hadalka arrimaha doorashada iyadoo Saciid Deni uu ku jiro madaxda caqabadaha badan ka tirsanaya waxyaabaha ku xeeran Doorashada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho maanta ku qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland.

Waxaana la raaciyay: “Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.”

Beesha caalamka ayaa cadaadis badan saareysaa madaxda Soomaalida iyadoo dooneysa iney kulmiso si loo dhameystiro heshiiska doorashada ee ku jaango’an heshiiskii 17-kii Septmber 2020 lagu gaaray Muqdisho iyo is fahamkii labada guddi ay ku gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.