Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dacwadda kiiska Badda oo ka bilaabatay magaalada Hague ee dalka Holand.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu maanta ku tilmaamay ‘maalin weyn oo taariikhi ah’, maadama la gudo galayo dhageysiga dacwadda oo muddo sanado ah soo jiitameysay, taasi oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ku booriyay inay u midoobaan qadiyada Badda, asagoona ka digay in kiiska badda loo adeegsan karin siyaasad ama dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Shariif ayaa rajo weyn ka muujiyey kiiska Badda oo ay xiligan ka hartay Kenya, oo ku doodeysa cudur lagu qoslo, ayada oo Maxkamadda ICJ iska dhago tirtay dalab ay ku rabtay in dib loogu dhigo dhageysa dacwadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo uu soo dhigay bartiisa Facebook

Bismillaah

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

Guul iyo Gobannimo??