Sidee u dhacday maalintii koowaad ee dhageysiga kiiska dacwadda badda?

Hague (Caasimada Online) – Waxaa goor dhowayd dhammaatay maalintii ugu horraysay ee dhagaysiga maxkamadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadda Kenya aysan ahayn mid sal haysata, isla markaan ay doonayso in si tabarruc ah loo siiyo qayb ka mid ah badda Soomaaliya ee aysan ahayn in caddaalad lagu xukumo.

Mid ka mid ah qareenada ayaa si gaar ah diiradda u saaray dood uu sheegay inay Kenya ku doodday oo ah in labada waddan ay oggolaansho ka gaareen badda. Waxa uu sheegay inysan labada waddan wax heshiis ah gaarin haddii uu yahay mid cad iyo mid aamusnaan ahba. 

Qareenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba taariikhdeeda ku doodaysay in xuduuddu ay ahaato mid toos ah.

Sidoo kale mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin heshiis cad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka badda. Waxa uu intaas ku daray in xaqiiqada ah inay labada dhinac ka wada hadlayeen muranka ay muujinayso inay labada waddan aqoonsadeen inay doonayaan in xuduud looga sameeyo dhinaca badda, xalna laga gaaro muranka. 

Mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadallada Kenya ay is burinayaan marka ay noqoto dacwddeeda, iyaga oo mar qiray inuu muran jiro mar kalena ku dooday heshiis inuu jiro. 

Qareenada ayaa ku eedeeyey Kenya inay doonayso inay ka faa’iidaysato awood darrada Soomaaliya ee ku aaddan inay khayraadka baddeeda difaacato.

Mid ka mid ah qareennada ayaa ku soo gabagabeeyey in dacwadda Kenya aysan lahayn wax rajo ah.

Dhagaysiga ayaa dhammaaday wax yar kadib 8-dii fidnimo xilliga Muqdisho waxaana la iskugu soo laaban doonaa maalinta berri ah oo ay sii wadi doonaan qareennada Soomaaliya difaacistooda dacwadda Soomaaliya.

Dhagaysiga ayaa maanta ka furmay magaalada The Hague ee dalka Netherland.

Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qayb-qaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qayb-qaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

Waxaa xusid mudan in dhageysiga dacwadda ay weli socoto, oo maalmaha soo socda lasii wadi doono.

VOA