Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisey warqaddii taageeridda xisbiga Waddani

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay oo sheegtay inaysan jirin warqad uu madaxweynaha Soomaaliya u qoray wakiilka QM ee Soomaaliya oo ku saabsan doorashooyinka Somaliland iyo sidii loo taageeri lahaa xisbiga Waddani.

Saraakiil ka tirsan Maaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online waxay u xaqiijiyeen in aysan jirin waraaq ku saabsan fara-gelinta doorashooyinka Soomaaliland oo u qoray Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo aan la xiriiray ayaa ku tilmaamay arrinkaan mid waxba ka m jiraan, isla markaasna ay haboonayd in ay ka fiirsadaan dadkii faafiyey qoraalada noocaan oo kale ah ka hor inta aysan faafin si aysan qayb uga noqon dadka caadaystay in ay ka been abuuraan madaxda iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu beeniyey warqad la sheegay inuu qoray Danjire Meachel Keating, oo sida la sheegay jawaab u ahayd warqadda madaxweyne Farmaajo loo tiriyey ee been abuurka ah.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in aysan jirin qorshayaal ay isla soo qaadeen Qaramada Midoobey iyo  Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan fara-gelinta doorashooyinka Soomaaliland iyo carqaladaynta xasiloonida iyo amniga ka jira deeganadaas.