Sawirro: Shariif Xasan iyo Juxa oo kulan ku yeeshay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa ayaa maanta kasoo degay Garoonka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan C/lle Cismaan Aadan Cadde.

Hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdigiisa ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada uga furmi doona magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Wasiir Juxa iyo Shariif Xasan ayaa muddo ku dhow hal saac kulan ku yeeshay Garoonka waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uga furmaya Muqdisho.

Wasiir Juxa oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa yiri ”Anigoo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo hogaaminayana wadahadalka dawladda dhaxe iyo Maamul Goboleedyada. Waxaan garoonka Muqdisho Ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koon-fur Galbeed Sh. Xasan Sh. Aadan”

Juxa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay xal u helida khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo soo gaaray magaalada Muqdisho.