Madaxwayne Reerkayagu Mansab (Xil) ma rabaan!!! (Qormo cajiib ah)

Waxaad mooddaa in dad badan ay haddiiba ku dhalatay ,toloow dowladda cusubi hankii loo qabay miyay ka hoos dhacday ?

Madaxwaynuhu miyaanu go´aan gaari karin ,mise kuwii madaxwayneyaashii gacmaha iyo lugahaba qaban jiray baa isna haddiiba jilaafo u dhigay ?.

Inuu Ra´iisal wasaare magacaabo waxay ku qaadatay qiyaastii bil. Inuu Ra´iisal wasaaraha Barlamaanka horkeenana waa lagu khasbay . Kolkay labo noqdeen (Madaxwayne iyo Ra´iisal wasaare) waxay magacaabi kari la´ yihiin golihii wasiirrada.Wasiirrada kolka la soo dhiso ,in la ansixiyo,ay shaqo tagaan ama ay wasaarradahooda dib u howgaliyaanna ma laha dad badan qabaan sanad way qaadan.

Maalinba maalinta ka danbaysa waddankii wuu sii dhiig baxayaa ,dadkii waa la laynayaa,waa la sii qaxayaa,qolooyinkii dowladaha lugaha qaban jirayna way sii xoogaysanayaan,halka dadkii dowladda taageersanaa ay sii niyad jabayaan.

Yaa Madaxwayneyaasha Soomaalida cuuryaamiya 

1-Odayaasha qabaa´ilka : Waxaa la ogyahay qofku markuu dhaafo sano 60aad ,maalinba maalinta ka danbaysa waxaa hoos u dhaca awooddii xagga jirka iyo maskaxdaba. Hal abuurnimadiisa, xusuustiisa iyo isku kalsoonidiisa ayaa hoos u dhacda., go´aan qaadashadiisana inta badan lama mahadiyo .Sidaas daraadeed bulshooyin horumaray Hawlgab bay ka dhigaan, waxna uma dirsadaane iyaga la xannaaneeya kolkay 65 sano gaaraan. Soomaaliyase inay aayaha ummadda ka taliyaan bay rabaan. Madaxwaynihii aan taas ku baraarugsanayna way cuuryaaminayaan.

2. Dadka aan dalka ka qaxin: Dadka aan dalka ka qaxin labo u qaybi.

A) – Qayb 30 sano ka yar. Kuwani waligood dowlad sax ah ma arkin; dhac, boob iyo dil baa lagu anqariyay, kuna barbaareen. Qof ka wayn iyo mid ka yar toona ma ixtiraamaan, badidoodana dowlad wax dadka disha, laga baq, haddii fursad laga helana la lugooyo bay u yaqaaniin.

B) Qayb 30 sano ka wayn, waddankana aan waligood ka qaxin. Qoladaanna waa kuwii dowladnimada soo arkay, laakiin ku dhex barbaaray kacaankii oo sii burburaya, wuxuu arkana burbursanaya iyo mucaaradkii sirgaxnaa dalka iyo dadka halaagooda loo adeegsaday. 22 sano ee dowlad la´aantana dadkaan badidoodu musuqmaasuq, ka ganacsi hub, dawo iyo cunto dhacday iyo boobkii hantida qaranka iyo dowladadii timaadda u cago juglaynteeda bay ku soo ilmo korsadeen. Wixii aan wax laga siinna looma dhamma iyo dhaqaaqi mayso ayay la hortaagan yihiin. Waxaa la ogyahay dadkii qaxay intii ka badbaadday inay ilbaxnimo, horumar, waddan jacayl iyo cilmi la soo noqdeen.

3.Madaxwaynaha laftiisa: Inta badan madaxwaynuhu haddaanu khibrad hoogaamineed lahayn, kalsooni buuxda iskuma qabo. Wuxuu ka cabsadaa tallaabo kasta oo uu is-yiraahdo dhanka wanaagsan u qaa. Dad aan mudnayn in talo la waydiiyana wuu ku dabo meeraystaa. Mararka qaar waxaad is-oran, mar kale ha loo sheego inuu isagu waddanka oo dhan madaxwayne ka yahay, inuu ciidamada xukumo meel ay joogaanba,qofka xanuunsani dawo ku leeyahay, kan gaajada iyo oonku hayaa cunto iyo biyo ku leeyahay. Badda iyo dhulkuba difaac ka sugayaan, dhirta iyo xooluhuna badbaado ka sugayaan.

4. Beesha caalamka: Beesha caalamka qoladaan la baxday waxay badowsadaan madaxwaynayaasha Soomaalida, gaar ahaan kuwa aan waddanka waligood ka qaxin. Waxaa la wada ogyahay inay dano kala duwan Somalia ka leeyihiin, dowrkoodana lama inkiri karo. Laakiin, waxaa wanaagsan in markay hal arrin kuu keensadaanba, saddex arrimood loo gaysto. Haddii uusan kuwaaga fulinna, kuwiisa la cuuryaansho. Beesha caalamka oo dhan inaad madaxa u ruxdid, qab xumo iyo quursi bay leedahay.

5.Doorka Dumarka Soomalida oo la yaraysto: Wax nagu dhacayba waxaa caddaatay dumarka Soomaalidu aad iyo aad nooga waxtar badan yihiin, iyagu wax bartaan, reerka u shaqeeyaan, kan dhaawaca ah iyo waalidkaba xannaaneeyaan, waddankana aysan waligood cadow keenin.

Haddaba, haddii aan dumarka waxtarkooda siday tahay looga faa´idaysan, horumarka dalku meel gaari maayo.

Ragga Soomaaliyeed ee aad mooddo wax dumiya ma ahee, wax dhisa inaan la barinna meel na gaarsiin mayaan.

Codsi : Codsigaan waxaa qaba dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee yaa madaxwaynaha toloow gaarsiin kara: 

Jaalle Madaxwayne, dadka soomaalidiyeed Mansab ama jagooyin aad u qaybisid kuwa xil doonka ah mana deeqsiin kartid, waxna uma tarayso. Inaad reerkayaga shan wasiir, shan maareeye iyo 10 xildhibaan oo mushaar badan qaata aad u qortid, waxaa nooga faa´iido badan degaankayaga in ceel biyood laga qodo, rug caafimaad ama goob waxbarasho laga dhiso, amaba ammaankeeda cirka lagu shareeray lagu soo dabbaalo .

Qabiilkayga Soomaaliyeed maba rabaan Mansab (XIL), waxayse rabaan nabad iyo nolol. Ciidammo iyo madax akhlaaq leh. Ma rabaan maamul goboleed iyo 4.5 toona, ee waxay rabaan Caddaalad iyo xuquuq loo siman yahay (iyadoo aqoon iyo kart la eegayo). Waxaynu aamminsanahay inaysan qabaa´ilka Soomaaliyeed kala wanaagsanay, Odayaasha iyo dagaal oogayaasha aaminsan inay degaankayaga u soo halgameenna arrimaheenna ha kala tashan, saa intooda badan waxa noo wanaagsan iyo danteenna ma yaqaaniin’e .

Waxaan aaminsanahay akhristoow ina qabaa´ilka Soomaaliyeed isku baahi yihiin, marnabana aysan kala fiicnayn. Kolkaas midnimo uun baa maslaxaddeennu ku jirtaa.

Alloow tubta toosan nagu toosi. 

W/Q: Dr. Abdi Farah Taano
Taano1@hotmail.com