Madaxwaynaha oo tagay Baydhaba lana Kulmay Saraakiisha Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaye ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay dadweyne badan iyo sidoo kale maamulka Gobalka Baay ee Dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Madaxda maamulka Dowladda ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu kala hadlay arimaha ammaanka iyo arimaha kale ee Gobalka.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Guddoomiyaha Maamulka Baydhabo Saabir Colaad oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay la socdeen xildhibaano kasoo jeeda Gobalka Baay iyo sidoo kale xildhibaano kale isaga oo kormeeray dhowr xarumood.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana ammaanka iska kaashaday ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia ee halkaasi ku sugan.

Warar ayaa sheegaya In Madaxwaynaha uu safarkiisa sii wadi doono kuna tagi doona Beledwayne halka warar kalana ay sheegayaan inuu ku soo noqon doono Muqdisho.