Madaxweynaha CADAADO lagu doortay oo shaaciyay sharuudaha kaliya ee xilka uu kaga tanaasuli karo

Cadaado (Caasimada Online) – Axmed Maxamuud Baasto, madaxweynaha dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado kadib Khilaafkii Galmudug, ayaa sheegay inuu ugu horeyn soo dhaweynayo qoraalkii kasoo baxay madaxa xukuumada ee Galmudug.

Axmed Baasto, ayaa sheegay in qoraalkaasi kasoo baxay Sheikh Maxamed Shaakir uu muujinayo wanaaga iyo rajada laga qabo in xal laga gaaro khilaafka  u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu horseedi karo in la xaliyo khilaafka ka taagan deegaanada Galmudug ee u dhaxeeya madaxda Galmudug, kaasi oo sababay in lagu guddoomiye baarlamaan ku xigeenadooda iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug.

Mar la weydiiyay xalka Galmudug iyo qaabka lagu dhameyn karo Khilaafka Galmudug ayuu sheegay inuu isaga xitaa uu tanaasuli doono haddii uu ku jiro Xalka deegaanada Galmudug, sida uu sheegay Axmed Baasto.

“Waxaan anigu diyaar u ahay aragti mid ah oo ay la yimaadan, Ummada waxay rabto ayaan diyaar u ahay, dhaqanka iyo shacabka ayaan ka aqbalayaa waxay la yimaadaan, waxa kasta oo ay raali ku yihiin ayaan anigana raali ku ahay”

“Anigu maahi qof Kursi doon ah, waxaan ahay qof xal doon ah, xitaa haddii xalka uu ku jiro kursigeyga waan ka tanaasulayaa, oo shacabka iyo dhaqanka waxay doonayaan oo ay isku raacaan ayaan anna aqbalayaa”ayuu yiri Axmed Baasto.

20 kii October ayaa Axmed Baasto xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ay ku doorteen magaalada Cadaado, kadib markii guddoomiye baarlamaan lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com