Madaxweynaha cusub ee Suuriya oo lagu dhowaaqay

Dimishiq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Suuriya ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Axmed Al-Sharaa, oo talada dalka la wareegay ka dib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Assad bishii hore, loo magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah, isla markaana loo igmaday dhismaha gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda.

Isbaheysi uu hor-kacayo ururka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir Al-Sham (HTS) ee uu Sharaa madaxda u yahay ayaa 8-dii Diseembar xukunka ka tuuray Assad ka dib duulaan degdeg ah, taasoo soo afjartay 50 sano oo xukun adag oo qoyskiisu dalka soo maamulayeen. Waxaa horay loo dhisay dowlad ku meel gaar ah oo dalka sii hagi doonta illaa 1-da Maarso.

Sharaa ayaa loo magacaabay “madaxweynaha dalka ee marxaladda ku meel gaarka ah”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA, iyadoo soo xiganeysa sarkaal militari oo lagu magacaabo Xasan Cabdil-Ghani, iyadoo aan qeexin waqti cayiman, waxayna intaa ku dartay inuu sidoo kale dalka ku meteli doono “madal-doodyada caalamiga ah”.

Sharaa ayaa loo igmaday inuu soo dhiso “gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah … ilaa laga gaarayo dastuur joogto ah oo dalku yeesho”, SANA ayaa tiri, iyadoo intaa raacisay in baarlamaankii xilligii Assad la kala diray, dastuurkii 2012-kiina la hakiyay.

Iclaamintan ayaa ka soo baxay shir looga arrinsanayey “guusha kacaankii Suuriya” oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Sharaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad Al-Shaibani iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan.

Cabdil-Ghani ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la kala diray dhammaan kooxihii hubaysnaa ee ka qayb qaatay rididdii Assad, iyo sidoo kale ciidankii iyo hay’adihii sirdoonka ee dowladdii hore.

“Dhammaan guutooyinka militari iyo ururrada siyaasadeed iyo kuwa bulshada rayidka ah ee kacaanka waa la kala diray waxaana lagu biiriyey hay’adaha dowladda”, ayey SANA ka soo xigatay Cabdil-Ghani.

‘Nabad-gelyada shacabka’

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay “in la kala diray ciidankii nidaamkii burburay”, hay’adihii sirdoonka “iyo dhammaan maleeshiyaadkii uu dhisay, iyo in la sameeyay hay’ad amni oo cusub oo ilaalinaysa nabad-gelyada muwaadiniinta” iyo “dib-u-dhiska ciidanka Suuriya”.

Ciidanka Suuriya ayaa dhab ahaantii burburay, oo ay la burbureen hay’adihii kale ee nidaamkii Assad.

Xisbigii Bacath ee Suuriya soo xukumayay tobanaan sano ayaa sidoo kale la kala diray, sida ay baahisay SANA.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, ayuu Sharaa ku qeexay in ahmiyadda Suuriya ay tahay “buuxinta firaaqa xukunka, ilaalinta nabad-gelyada shacabka, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, iyo u dhaqaaqidda dhismaha dhaqaale horumarineed”, SANA ayaa sheegtay.

“Howsha kuwa guuleystay waa mid culus, mas’uuliyaddooduna waa mid aad u ballaaran,” ayuu Sharaa hadalkiisa ku sii daray.

Bishii hore, wuxuu tilmaamay inay qaadan karto ilaa afar sano ka hor inta aan doorashooyin la qaban, iyo ilaa saddex sano in dib loo qoro dastuurka dalka.

Maamulku wuxuu horey uga hadlay qabashada shir wada-tashi qaran ah oo ay isugu imaan lahaayeen dhammaan ururrada siyaasadeed ee Suuriya, balse SANA ma aysan soo hadal qaadin shir noocaas ah Arbacadii.

Dagaalkii sokeeye ayaa ka qarxay Suuriya ka dib markii Assad uu si arxan-darro ah u cabburiyey dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeeday dowladda sanadkii 2011. Colaadda ayaa dishay in ka badan 500,000 oo qof, waxayna ku barakicisay malaayiin kale.

Kooxda HTS  ayaa waxaa urur argagixiso u aqoonsaday dowlad badan oo ay ku jirto Mareykanka, inkastoo ay dhawaan isku dayday inay beddesho hab-hadalkeedii hore, ayna ballan qaaday inay ilaalin doonto beelaha laga tirada badan yahay ee diimaha iyo qowmiyadaha ee Suuriya.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, diblomaasiyiin reer Galbeed ah oo is xig-xigay ayaa booqday Suuriya iyagoo ku baaqay in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay.