Mursi oo ku baaqay Wada hadal.

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa ku baaqay kulan uu la qaato kooxaha mucaaradka si loo soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka taagan waddanka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay dhowr saacadood kaddib, markii shan qof ay dhinteen 644 –kalena uu dhaawac soo gaaray, taasoo daba socotay markii ay isku dhaceen taageerayaashiisa iyo kuwa ka soo horjeeda.

Wuxuu sheegay taageerayaashiisa inay xaq u lee yihiin bannaan bax sameeyaan, laakin qaska ay wadaan qolyo doonaya in dalka uu ku jiro qalalaaso.

Qaar ka mid ah Ikhwaanul-Muslimiinka oo taageersan madaxweynaha ayaa sheegay in xarutooda ugu weyn ee Qaahira dab la qabadsiiyay.

Madaxweynaha ayaa xaley dadka kala hadlay Talafishanka wuxuuna ku baaqay wadahadal dhex mara dowladiisa iyo mucaaradka oo dhaca Sabtida berri ah.

Taankiyo iyo gaadid dagaalka ayaa la soo buuxiyay xarunta madaxtooyada Qaahira, halkaasoo ay ku sugan ciidamo illaalo ah.

                   Maraykanka walaac ayuu ka qaba xiisadda ka taagan Masar

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay hadalka uu sheegay Mr Morsi ee ah in la wadahadalo iyadoo aan wax shuruud ah la isku xiri” sidaas waxa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad.

“Madaxweyne Obama wuxuu wacay madaxweyne  Morsi isagoo si weyn walaac uga muujiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dibad-baxyaasha ku sugan Masar,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay aqalka cad.

Dhaqdhaqaaqa lixda April, oo door weyn ka qaatay kacdoonkii ka dhacay Masar 2011-kii ee looga tuuray xilka Madaxweyne Mubaarak, ayaa ku gacan seearay baaqa Mursi ee ah in la wadahadlo, sidaas waxa warisay wakaaladda wararaka Reuters.

Kooxaha dhaqdhaaqa waxaba ay ku baaqeen dibad-bax cusub oo dhaca maanta oo Jimco ah salaada duhurka kaddib.

Madaxweyne Mursi ayaa ku guuleestay doorashadii ugu horreysay ee xor ah bishii June’, laakin wuxuu la kulmayaa caddaadis ballaaran.

Qalalaasaha dib uga soo cusboonaday Masar ayaa waxay daba socdaan, markii madaxweyne  Morsi uu ku dhawaaqay is siiyay awoodo badan isla markaana lagu dhawaaqay dastuurka qabyo qoraalka ah ee la rabo in loo sameeyo Masar afti loo qaado 15-ka bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo