Madaxweynaha Maxkamada Hague oo loo doortay Garsoore Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee xarunteeda ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta yeelatey Madaxweyne cusub.

Maxakamadaan oo maamul ahaan hoos timaada Qaraamada Midoobay, ayaa waxaa Madaxweynaheeda cusub loo doortay Garsoore Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiqawi Axmed Yusuf.

Garsooraha loo doortay Madaxweynaha ayaa horay u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamada, waxa ayna Garsoorayaasha Maxkamadu u garteen inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maxkamadu yeelaneyso.

Madaxweynaha cusub ee Maxkamada Cabdulqawi ayaa ah garsoore Caalami waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009.

Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu.

Wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland, wuxuuna Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.