Madaxweynaha oo war kasoo saaray dabkii Suuqa Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeey Ganacsatada iyo dadkii ku hanti beelay musiibadii kasoo gaartay dabkii Isgoyska Banaadir.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhibka uu la qaybsanayo dadka hantidoodu ku gubatay dabka, kaasi oo baabi’iyay goobo ganacsi oo kala duwan.

Waxa uu xusay in dowladdiisa ay xooaga saareyso wax ka qabashada musiibooyinka ka dhasha dabka, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha horyaalla dowladda federaalka.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.