Biixi oo u dhoofay Jabuuti iyo Somaliland oo xaqiijisay la kulankiisa Xasan Sheekh

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo la filayo inay maanta ku kulmaan isaga iyo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarkan ayaa waxaa madaxweyne Biixi ku wehlinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Somaliland oo faahfaahin ka bixisay safarkan ayaa shaacisay inuu la xiriiro dib u bilaabidda wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal” ayaa lahu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu isna ka duulo magaalada Muqdisho, si uu u gaaro dalka Jabuuti, waxaana wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, wasiiro iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga haatan dowladda federaalka u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay tallaabo ugu qaaday dhanka wada-hadallada, kadib dib u doorashadiisii, wuxuuna u magacaabay ergey gaar ah oo ah Cabdikariin Guuleed.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.