Weerarro halis ah oo ka socda Muqdisho – Yaa beegsanaya HORMUUD iyo BECO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda weerarro halis ah oo lagu bilaabay shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka, waxaana isisoo tareysa xogta weeraradaan.

Qaraxyo ayaa xalay lagu xiray tabeelayaasha korontada hudbiya ee Shirkadda BECO, waxayna qaraxyadaasi sababeen inay qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho ay demaan oo korontadu ay ka go’do.

Horay waxaa loo ogaa in habeenadii lasoo dhaafay xarumihii shirkadda HORMUUD loo qarxiyey, hadda waxaa liiska shirkadaha dhibanayaasha ah ku soo biirtay BECO.

13 xarumood ayaa HORMUUD looga burburiyey qaraxyada, shaqale ayaa looga dilay, kuwo kalena waa looga dhaawacay, waxaana uga burburtay hanti badan oo ay ugu dambeysay Booyad Shidaal ah oo maalin ka hor laga gubay.

Xubno saraakiil ah oo ka tirsan hey’adaha ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in la aaminsan yahay in kooxda Daacish ay beegsaneyso shirkadahaas.

Daacish, waxay dooneysaa lacago baad ah, si ay ugu kobciyaan awoodooda, waxaana muuqata inay ku raadinayaan si xoog ah, iyagoo beegsanaya shirkadaha oo hadda ay ugu horeeyaan HORMUUD iyo BECO.

Labadaan shirkadood waa kuwa ugu waaweyn dalka, waxay bixiyaan adeegyada isgaarsiinta iyo korontada, waxayna ugu horeeyaan xaqleyaasha bixiya canshuurta ay masruufato dowladda Soomaaliya, halka bulshada Soomaaliyeed ay u hayaan adeegyo muhiim ah oo xitaa dowladooda aysan ka heleen.

Ilaa hadda, hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ma aysan qaadin wax tallaabo ah, lama qabto xubnaha geysanaya weerarradaan is xigxiga, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan shirkadaha la beegsanayo waxay noo sheegeen in dowladdu aysan waxaba ka weydiin beegsiga lagu hayo iyo cidda ay tuhmayaan.

Labo si oo xasaasi ah ayey arrintaani muhiim u tahay inay ka jawaabaan hey’adaha amniga Muqdisho ‘mar waa in masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniintaan canshuur bixiyaasha ah, marna waa inay ka hor tagaan khatarta kooxaha argagixisada ah ee weerarrada geysanaya’ kuwaas oo ku sii kobcaya hadii la siiyo dhaqaalahaan ay xoogga ku raadinayaan.