Daawo: Xasan Sheekh oo caawa wajahaya su’aalo dadweyne iyo jawaabihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galaya kulan dadweyne oo ay su’aalo ku weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaro aqoonyahano ah.

Arrimaha ugu muhiimsan shaqada socota ee qaranka ayaa wax laga weydiinayaa Madaxweynaha, waxaana ka mid ah dhaqaalaha dalka, dagaalka Shabaab iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa saboolnimada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dadka Soomaaliyeed warbixin ka siiyey dagaalka Al-Shabaab wuxuu sheegay in hadafka dowladiisa uu yahay in muddo kooban laga taqaluso kooxda, isla markaana uu ku laabanayo furimaha dagaalka.

Martida barnaamijka ayaa madaxweynaha weydiisay sababta mushaarka loogu kordhi waayey ciidamada dagaalka kula jira Shabaab, iyadoo miisaaniyadda sanadkaan ay ku jirto mushaar kordhin loo sameeyey baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay, “Waa sax baarlamaanka waa loo kordhiyey mushaar, duruufo ku xeeran ayaana sababay, sidoo kale weli ma suurta geli in mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada, balse qorshaha ayey noogu jirtaa, wiilasheena waxay dalkooda u dhimanayeen iyadoo aan shilin lagu sii jirin, laakiin maanta waxay joogaan waqtigii la abaalmarin lahaa waana ku howlanahay taas.”

Waxaa la weydiiyey su’aal ku saabsaneed arrimaha dhaqaalaha kadib deyn cafintii, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qorshaha ay ugu jirto kobcinta daqliga dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

Dhanka caafimaadka ayaa su’aalo laga weydiiyey, wuxuu ku jawaabay “Dunida oo dhan ayaa hadda la dadaalaa dhaceysa bixinta adeygyada caafimaad ee muwaadinka, anagana waxaan joognaa heer dalkeena ay sanadkii ka miisaaniyad badan tahay wasaaradda waxbarashada dalka Kenya.”

Dhanka waxbarashada, maxaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladiisu ay hiigsaneyso heer inay ka gaarto la dagaalanka ‘jahliga’ sanadkaan sii dhamaanaya waxay dowladu qoratay 3,000 oo macalin, wuxuuna balan-qaaday in sanadkaan la qori doono 3,000 oo kale oo macalimiin ah.

Hoos ka daawo