“Madaxweyne aan tegi karin Galmudug, Jubaland iyo Puntland ma ahan in uu yimaado Hargeysa”

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga horyimid Safarka la sheegayo in uu Farmaajo ku imanayo Somaliland.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in uusan Farmaajo iman karin magaalada Hargeysa, isagoona xusay in uusan tagin karin qaar kamid ah Maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.

Faysal ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in Soo dhoweyntii Muuse Biixi ee Addis-Ababa loogu badalo in Somaliland ay ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

“Roog cas in loo fidiyo Madaxweyne Muuse kadibna afka loo soo geliyo Farmaajo ayaa imanaya Hargeysa ma ahan mid na qabata” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Uicd.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Madaxweyne aan tegi Karin gobalada uu maamulo sida Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ma aha in uu yiraahdo Hargeysa ayaan tagayaa ma aha mid aan aqbalayno”.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku kala qeybsamey safar la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku imanayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, balse waxa kaliya ee ka siman yihiin inaysan kusoo dhoweyn doonin meeqaam Madaxweyne-nimo.