Xoriyada la siiyey haweenka Sacuudiga oo horseeday in qaarkood dariiqyada ku cabaan Sigaarka (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) –  Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadihii u dambeysay sarre u qaadeysay xoriyada Haweenka, midaasi oo horseeday dhaqano aan la mahdin oo ay ku kaceen qaar kamid Haweenka ku nool dalkaasi.

Wargeyska New Straits Times oo warbixin ka qorey isbedelka uu Sacuudiga ka sameeyay xoriyadaha uu siinayo Haweenka, ayaa sheegay inay sababtay in Haweenka qaarkood ay Suuqyada iskaga cabaan Sigaarka.

Wargeyska ayaa xusay in Haweenka Sacuudiga ay waqti xaadirkan marayaan halkii Haweenka Balwadaha u ban-baxay ee reer Galbeedku ay marayeen qarnigii 20-aad, midaasi oo u sababeeyay isbedelka xoriyadeed ee ay siisay dowladdu.

Waxa kale oo uu Wargeysku soo bandhigay Warbixin ka hadleysa Haweeney Sigaar ku cabeysa meherad ku taala Suuqa magaalada Riyaad, taasi oo lagu cabo Bunka.

“Rima waxay si deggan ugu fadhidaa Kursi yaalla Maqaaxi Bunka laga cabbo oo ku taalla Magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudiga, hareeraha ayay si Taxadar leh u eegtay, laakiin ma arkin Qof ay garatay, waxay Nuugtay Sigaarkeeda Electaroonigga ah, waxayna siidaysay Qiiq faro badan” ayaa lagu yiri Warbixinta Wargeyska.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xoriyadaha dheeriga ah ee la siiyay Haweenka Sacuudigu, ay horseeday inay bilaabaan Cabista sigaarka, Shiishada iyo balwadaha kaleba.

Wuxuuna Wargeysku soo qaatay gabadh 27-jir ah oo lagu magacaabo Rima, oo ka shaqeysa Shirkad ku taala magaalada Riyaadh ee Sacuudiga, isla markaana ah haweenka xoriyadooda dheeriga uga faa’iideystay inay Sigaarka ku cabaan meelaha la iskugu yimaado.

“Markaan Sigaarka ku cabayo meel Caam ah, waxaan dareemaa inaan Adeegsanayo Xorriyadda aanu ku guulaysanay” ayey tiri Rima oo ah haweenayda lagu soo qaatay Warbixinta.

Waxay sidoo kale ay sheegtay Rima inay bilowday Sigaar cabista muddo hadda laga joogo Labo sanno.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadihii u dambeysay soo saareysay Go’aano sarre loogu qaadayo xoriyadaha kala duwan ee Haweenka, midaasi oo Haweenka Sucuudiga u fasaxday inay gaadiidka ka-xaystaan, isla markaana ka qayb-galaan Daawashada Ciyaaraha.