SOMALILAND oo xireysa odayaal dhaqameedyo lagu helay dambiga arrin yaab leh

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qorsheynaysa inay xadhig la tiigsato Odayaal dhaqameed cusub oo ka soo kala jeeda goboladeeda.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Liis ay ku qoran yihiin Odayaal dhaqameed damiintay Dad aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland, xiligii ay bixineysay Kaadhka Muwaadiniinteeda.

Wasiirka ayaa sheegay inay Xukuumadu ay talaabo adag ka qaadi doonta Odayaashaasi, isla markaana ay Liiska magacyadooda u qeybin doonaan gobolada, si loo soo qab-qabto Oday dhaqameekdaasi.

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyey Wasiirku inay Odayaashaasi ku kaceen khalad weyn, maadama ay Damiinteen oo ay khaadhka dhalashada Somaliland u qaadeen Dad aan u dhalan deegaanadeeda.

“Waxa gobolo badan oo Dalka ah ka dhacday oo la hayaa in Cuqaali damiinatay Dad aan reer Somaliland ahayn, Liis baa halkan yaalla” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wuxuuna intaasi sii raaciyey Wasiirku “Waanu baahinaynaa Liiskaa oo gobolada oo dhan ayaanu u gudbinaynaa, Cuqaashaa Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa khaladkii ay sameeyeen awgood”.

Somaliland ayaa iyadu muddo sanado ah waday Bixinta kaadhka Muwaadinka, kaasi oo qofka Muwaadinka ah lagu xidhayey in uu keeno Caaqilkiisa, si loo hubiyo in uu dhalasho ahaan kasoo jeedo deegaanadeeda, midaasi oo sababtay in Dad aan deegaan ahaan kasoo jeedin oo ku nool Somaliland ay qaataan Kaadhkaasi.