Kooxo hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Sh/dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo burcad ah ay dil iyo dhaawac u geysteen dad shacab ah oo ku socdaalayey duleedka degmadaasi.

Dadkaan oo saarnaa gaari rakaab ah oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa ku dhacay isbaaro raggaasi u tiilay deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dableyda ay jidgooyada u tiilay rasaas ku fureen gaariga, islamarkaana uu ku dhintay wadihii, iyagoona sidoo kale dhaawacay qaar ka mid ah rakaabka la socday baabuurkaasi oo tiro ahaan gaarayey illaa 18 ruux.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay sidoo kale dhac u geysteen rakaabka saarnaa gaariga, kadibna ay goobta isaga baxsadeen..

Ma jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe  iyo kan degmada Warsheekh oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa HirShabelle dhibaatooyin xoogan ka geysta kooxo qooleysato ah oo alaaba jidka u gala gaadiidka isaga kala goosha deegaanada maamulkaasi.