Senator Ilyaas: “Qofka dhabta ah ee u socda safarka Hargeysa ma ahan Farmaajo”

Muqdisho-(Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaan la hadal hayey in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu madaxda Somaliland ka codsaday in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay tagayaan magaalada Hargeysa ayaa waxaa arintaas siyaaba kala duwan uga hadlay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa isaga oo u waramayey VOA, waxa uu arirntaas ku macneeyay mid aan kasoo maaxan Madaxweynaha ee lagu riixayo.

Senator Ilyaas ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in madaxweynuhu tago Somaliland, balse haatan siyaasad uu Farmaajo la tagi karo Hargeysa aysan u diyaarsaneyn.

Sababta uu sidaas u yiri ayaa Senetorku waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay ninka Somaliland gaarsiiyey meel ka xun meeshii hore ee ay joogtay, sidoo kale waxa uu sheegay in raali gelintii maalmo ka hor uu u diray reer Somaliland ay aheyd mid aan buuxin oo hadallo kale uu ka daba tuurayey, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland ay ku qanci weysay, kana fal celisay.

“Madaxweyne Farmaajo haddii uu tegi lahaa Hargeysa waxa uu ahaan lahaa nin horay talaabo fiican u qaaday, ajende cadna uu la tago, laakiin ciladda jirta waxay tahay Farmaajo mashruucaan kama imaan sida ay reer Somaliland sheegeen, waxay dheheen Abiy ayaa nagu yiri waxaan imaanayaa Hargeysa Farmaajana waa ila socdaa, marka halkaas waxaad ka garan kartaa ninka saxda ah ee u socda safarka Hargeysa in uusan aheynba Madaxweyne Farmaajo ee uu yahay Abiy” ayuu yiri Senator Ilyaas.

Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay in Abiy uu u egyahay nin isaga is iibinaaya, isagoo tusaale u soo qaatay meelo badan oo uu geeyay madaxweyne Farmaajo oo Soomaaliya khilaafaad kala dhexeeyay, sida Kenya iyo Eritrea.

“Waxaa la dhihi karaa siyaasadda arimaha dibadda ee Soomaaliya sida ay hadda ku socoto ama mashruuca loo bixiyey is-dhex galka ee Geeska Afrika waxa uu u muuqdaa mid Soomaaliya kaliya lagu iibisanaayo, Madaxweynuhu ma faahfaahin waxii ka soo baxay kulankii uu uga qeyb galay Addis Ababa, marka in uu raaco safar Abiy ku tagaayo Hargeysa waxba sooma kordhinaayo, sababtoo ah siyaasad u degsan oo uu ku socdo malahan” ayuu yiri Senator Ilyaas Cali Xasan.

Hoos ka dhageyso wareysiga Senator Ilyaas