Madaxweyne Al-Sisi oo la siiyey awood dheeriya, xili ay xiisad xoogani taagan tahay

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta baarlamaanka dalkaasi siiyeen awood dheeriya oo uu ciidamo ku diri karo, kadib markii ay maanta si rasmiya u ansixiyeen xildhibaanada golahaasi.

Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu awood u leeyahay inuu ciidamo u diro dalka Liibiya, iyagoo ku lifaaqay ansixintaasina xiliga uu si rasmiya u fulinayo arrinkaasi.

Baarlamaanka ayaa sheegay in Masar ay ciidamo u diri karto dalkaasi ay dariska yihiin, haddii ciidamada Turkiga uu taageerayo ay u dhaqaaqan qabsashada Sirte, taasi oo kaga sii dareysa xiisada ka taagan dalka Liibiya.

Al-Sisi ayaa ansixinta kadib awood buuxda u yeelanaya inuu ciidamo u diri karo Liibiya, isla markaana uu faro-gelin millateri oo ka dhan ah Turkiga uu ka qaado dalkaasi.

Masar ayaa iyadu ku doodeysa inay ka hortagayso duulaan uu Turkigu kusoo qaado galbeedka, maadama dowladoodu gacan saar la leedahay ciidamo fadhigoodu yahay aagaasi, sida uu wariyey Wargeyska Al-Ahram ee dowladda Al-Sisi.

Liibiya ayaa iyadu wajaheysa qalaalaso daran tan iyo markii ay gaashan buurta NATO ay 2011-kii riday hogaamiye Qadaafi, oo markii dambena la dilay, taasi oo sababtay in dalkaasi u kala qeybsamo gobolo dhowr ah.

Waxaana daanta galbeedka ee dalkaasi gacanta ku haya falaago uu hormuud u yahay Generaal Haftar, halka bariga ay maamulaan dowlad uu caalamku aqoonsan-yahay, iyada oo labada dhinacba ay la safan-yihiin dowladdo kala duwan.