Sawirro: Dabaq ku yaalay Xamarweyne oo ku soo dumay qoysaskii deganaa iyo dad weli ku hoos jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Guri Dabaq ahaa oo ku yaallay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, isla markaana ka koobnaa seddax biyaano ayaa soo dumay goor dhaw.

Sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guriga dumay oo ahaa mid qadiimiya waxaa deganaa qoysas badan, waxaana lasoo badbaadiyey inta dadkii deganaa.

Weli waxaa dhismaha dumay ku hoos jira oo la la’yahay haweeney da’ah iyo laba caruur ah, waxaana socda dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Gurigaas ayaa ku yiilay dhabarka dambe ee qeybta dahabka looga iibiyo suuqa Xamarweyne oo u dhaw masaajidka Marwaas.

Sidoo kale dad ku sugan goobta ayaa Caasimada Online u sheegay in dab ka dhashay koronto uu ka kacay guriga dumay, isla markaana lagu guuleystay in la demiyo.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Onlie.