Mowqifka Farmaajo kadib kulamadii dhacay (Warbixin)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka.

Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo.

Arrintan ayaa loo fasirtay in madaxweynaha uu raadinayo waqti kordhin hey’adaha dastuuriga ah si ay u suuro-gasho doorasho qof iyo cod ah. Muddo kordhinta ayaa noqon karta inta ay guddiga doorashada dalbadeen ama ka badan oo ah ilaa laba sano.

Dhankooda, madaxda dowlad goboleedyada ee la kulmay madaxweynaha iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ah waxaa ay madaxweynaha u sheegeen in laga tashto jidka ugu haboon ee doorasho loo geli karo, loona baahanyahay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda.

Caqabaddan oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee hortaagan inuu shirka furmo ayaa laga shaqeynayaa in laga gudbo, oo lagu qanciyo madaxweyne Farmaajo in xilligan aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah, loona baahanyahay in laga tashto badal fiican.