Tirada dagaal-yahanada uu Turkigu u diray dalka Libya oo la shaaciyey (Warbixin)

Tripoli (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Liibiya u diray dagaalamayaal ku dhashay Siiriya, kuwaas oo tiradoodu u dhaxayso 3,500 illaa 3,800 seddaxdii bilood ee u horreysay sanadkan, sida uu warbixin cusub kusoo gaba-gabeeyay baaraha guud ee Gaashaandhigga Mareykanka.

Warbixinta seddax biloodka ah ee Pentagon-ka Mareykanka oo ku saabsan argagixiso la dirirka qaaradda Afrika ayaa sheegaysa in Turkigu uu mushaar siiyay, isla markaana uu dhalasho usoo bandhigay kumanaan calooshood u shaqeytayaal ah oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyaad fadhigoodu yahay magaaladda Tripoli oo kasoo horjeeda Jeneraal Khaliifa Hafter.

Kasokoow warar la faafiyay oo ku saabsan in dagaalamayaashu ay xiriir la leeyihiin argaggixisada, warbixintu waxay sheegtay in military-ga Maraykanku uusan caddeyn u helin in calooshood u shaqaysteyaashu ay xiriir la leeyihiin urur xagjir ah ama Al-Qacidda. Waxay warbixintu sheegtay in lagu qanciyey lacag, balse aan lagu qancin aragti ama siyaasad.

Warbixintu waxay soo koobtay rubacii u horeeyay ee sanadkaan keliya, waxay ku egtahay dhamaadka bishii March, laba bilood kadib markii ay billowdeen guulaha Turkigu taageerayay ee ciidanka Dowladda Liibiya ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Jeneral Khaliifa Hafter, isla markaana ay ka qabsadeen duleedka caasimadda, Tarhuna iyo garoomo diyaaradeed oo ku yaalay galbeedka Wadanka Libya.

Dib u gurashadda Jeneraal Hafter iyo taageerayaashiisa shisheeye oo ay ka midyihiin Masar, Ruushka, iyo Imaaraadka Carabta waxay tooshka ku ifisay doorka sii balaaranaya ee Turkigu uu ku leeyahay dagaalka Liibiya.

Warbixintaan u dambeysay waxaa ay sheegtay in xoogga Turkigu geeyay Liibiya ay kordhiyeen guusha ay ciidanka Tripoli gaareen bishii May. Waxaa ay soo xiganeysaa Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo sheegaya in 300 oo falaago reer Siiriya ah uu Turkigu kasoo dejiyay Liibiya horraantii bishii April.

“Turkigu dagaalyahanada tiro aan la ogeyn ayuu geeyay Liibiya bilihii u horreeyay ee sanadkan” ayuu baaraha guud warbixintiisa ku sheegay.

Baaraha guud waxaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu boqolaal calooshood-u-shaqaysteyaal ah geeyay Liibiya si uu ugu taageero go’adoonkii uu Hafter mudada dheer ku hayay magaaladda Tripoli. Shirkad gaar loo leeyahay oo ku xiran Kremlin-ka magaceedana loo yaqaano Wagner ayaa markii ugu horeeysay Liibiya geysay shiishyahano xirfad leh iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo hubeysan.

Sanadkaan, Kooxda Wagner oo ka jawaabaya dagaalamayaasha Siiriya ee Turkigu geeyay Liibiya ayaa kordhiyay dagaalamayaasha shisheeye ee ay ku daabulayaan Liibiya, waxaana lagu qiyaasay in ay u dhexeeyaan 800 illaa 2,500 oo dagaaalame.

Ruushka iyo Dowladda Siiriya waxay ku heshiiyeen in 300 illaa 400 oo mucaaradkii hore ah loo diro Liibiya, iyadoo la siinayo min $1,000 oo mushaar ah bil wabla, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhinacyada dagaalamaya waxay qaban-qaabo dagaal ka wadaan dhinacyadda magaaladda Sirte oo marin istiraatiiji ah u ah warshadaha shidaalka ee bartamaha iyo bariga Liibiya, halkaas oo inta ugu badan 1.2 million oo barmiil oo saliid ah maalintii laga soo saari jiray, ka hor inta aysan tubooyinkii goyn qabiillo taageersan Jeneraal Hafter bishii January ee sanadkan.