Somaliland oo war kasoo saartay xiisada ka dhalatay xiriirkeeda MASAR

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xiriirka cusub ee Masar, oo ay dhawaan xogtiisa baahisay Caasimada Online.

Masar ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd sidii ay xiriir diblumaasiyadeed iyo heshiis cusub ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland, xili ay taagan tahay xiisada webiga Nile-ka ee kala dhaxeysa Itoobiya, oo ay Somaliland xiriir diblumaasiyadeeda kala dhaxeeyo.

Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in xiriirka cusub ee Masar uu yahay iskaashi labada dhinac dhex-mari doona, kaasi oo kor u qaadaya Dhaqaalaha iyo Ganacsiga labada dhinac.

Liibaan ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Masar ay la yeelaneyso uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin midkii ay hore ula laheyd dowladda Itoobiya, oo iyadu xasaasiyad gaar ah ka qabta xiriir xiligan dhex-mara Somaliland iyo Masar.

Wasiirka ayaa xusay in wafdi ka socda dowladda Masar uu yimid Somaliland, iyada oo dhawaan ay baahisay Caasimada Online xog ku aadan wafdigaasi iyo waxyaabaha ay u socdeen. – Halkan riix oo ka aqriso

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in mowqifka Somaliland ee xiisada webiga Nile-ka uu yahay mid dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay dalbanayaan in sida ugu dhaqsaha badan jawi nabadeed ugu furdaamiyaan xiisadaasi u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya.

Wuxuuna si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay si weyn ugala shaqeyn doonto dadaalada ay Somaliland ugu jirto Ictiraaf raadinta, maadama ay ka tirsan tahay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Somaliland ee ka hadlayey arrintan ayaa marnaba si cad u xusin rabitaanka dowladda Masar ee ku aadan in saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo dhawaan wafdigii Masaarida ee tagay Hargeysa uu arrinkaasi kala hadlay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay ogaatay Caasimada Online.