Madaxweyne Biden ma isku sharxayaa doorashada 2024?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad, isaga oo noqon doono qofkii ugu da’da weynaa ee sidaas sameeya isaga oo ah 80 jir.

“La socda,” ayuu Biden weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad Isniintii.
Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump.

Kadib guulo sharci oo dhowr ah iyo siyaasad arrimo dibadeed oo caqabado badneyd labadii sano ee ugu horreysay ee xafiiska, Biden ayaanu jirin musharax muuqda oo ku jira xisbiga Dimoqraadiga oo la loolama.

Hase yeeshee waxaa la filayaa inuu wajaho weydiimo joogto ah oo xooggan oo ku saabsan da’diisa.

Biden ayaa noqon doona 86 jir marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto.

Inkasta oo xitaa dhaqaatiirtiisa ay bishii Febraayo sheegeen “inuu caafimaad ahaa” gudan karo waajibaadkiisa, haddana dad badan oo ay ku jiraan taageerayaashiisa ayaa aaminsan inuu aad da’ u yahay.

Ra’yi ururin uu sameeyey taleefishinka ABC News oo lasii daayey dhammaadkii toddobaadka, ayaa muujisay in 70 boqolkiiba, oo ay ku jiraan 51 boqolkiiba Dimoqraadiga, ay shacabka rumeysan yihiin inuusan is-sharxin.

Boqolkiiba 69 dhammaan dadkii jawaabay ee sheegay inuusan is-sharxin ayaa sababta ku qeexay walaac weyn ama yar oo ay ka qabaan da’diisa.

Biden ayaa jecel inuu walaacyadaas uga jawaabo inuu yiraahdo “i fiiriya” — isaga oo ula jeeda in cod bixiyayaasha ay diiradda saaraan guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda iyo isbaheysiga Reer Galbeedka ee uu abuuray si Ukraine looga caawiyo inay iska difaacdo duulaanka Ruushka.

Sanadka iyo barka xiga, Biden wuxuu haysan doonaa faa’iidada inuu xafiiska fadhiyo iyo taageerada midaysan ee xisbigiisa, halka Jamhuuriga ay billaabi doonaan loolan adag oo dhexdooda ah.

Trump, inkasta oo uu noqday madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dacwad lagu soo oogo, haddana weli waa kan ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga.

Musharaxa uu caqabadda ugu xooggaan kala kulmi doono Trump ayaa la filayaa inuu noqdo barasaabka gobolka Florida, oo si isaga lamid ah aaminsan siyaasadda midigta-fog, balse da’ ahaan aad uga yar oo ah kaliya 44 jir.

Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024.

VOA + AFP