Sawirro: Guddoomiye Madaale oo caawa isugu yeeray hey’adaha amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan mahad celin ah isugu yeeray masuuliyiinta hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga mahad celiyey sidii ay amniga Muqdisho u sugeen in lagu jiray bishii Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa marti qaaday madaxda hey’daha amniga, sida wasaaradda amniga oo wasiiru dowlaha uu ka joogay, taliyaha booliska, Agaasimaha hey’adda NISA, taliyaha booliska gobolka iyo masuuliyiin kale oo amniga qaabilsan.

Duqa Muqdisho ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ka codsaday inay sii dardar geliyaan sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sida ay Ramadaan-kii ugu guuleysteen in bulshada caasimadda ay nabad helaan.

Sidoo kale inta badan maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka soo qeyb galay kulankaan, kuwaas oo door muhiim ah kuleh am aka qaadan kara inay amni helaan dadka reer Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida.

Madaxda iyo Saraakiisha kulankaas ka hadashay ayaa si wadajir u amaanay hey’addaha amniga iyo maamullada degmooyinka, iyadoo looga mahad celiyey sidii ay bishii Ramadaan u maareeyeen amniga caasimadda.

Waayahaan dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii ay qaraxyadu uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, dadkuna aad ugu dhima jireen.

Sidoo kale waxaa dhici jiray dilal qorsheysan oo kooxo bistoolado ku hubeysan ay ka geysa jireen caasimadda, inkastoo ay weli dilalkaasi dhacaan, hadana waxaa muuqata in hadda ay yaraadeen.