Sawirro: Ciidanka Danab oo qaaday tallaabo aad u caawisay qoysas ku nool Galcad

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa shacabka ku nool degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud u qeybiyey raashin, sidoo kale degaano kale oo hoos taga Galcad ayuu ciidanka Danab deeqdaan gaarsiiyey.

Deeqdaan oo bulshada deegaankaas ay aad ugu baahnaayeen waxay isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan, waxayna ciidanku ugu tala galeen qoysaska aad u liita ee Galcad iyo aageeda ku nool.

Degaanada deeqdaan ay gaarsiiyeen ciidanka xoogga dalka, waxaa kamid ah Ceel-Xaaji, halkaas oo markii raashinka laga qeybinayey ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo metela dadka ku nool deegaanadaas.

Qoysaska qaar waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay xoolahoodii ka dhaceen ama dileen xubnihii qoysaskaas u firfircoonaa ee u dhaq-dhaqaaqayey, maadaama ay sanado badan Galcad heysteen.

In Al-Shabaab 15 sano ka badan ay Galcad xukumayeen waxaa u dheer, inay mar dhexe dib ugu soo laabteen oo ka aar guteen cid kasta oo la shaqeysay ama ay tuhmeen inay wax un cilaaqaad ah la yeelatay ciidamada dowladda.

Ciidanka xoogga dalka oo Galcad ka xoreeyey kooxda dhowr bilood ka hor ayaa mar soo baneeyey degmadaas, kadib markii weerar cagmarin ah ay ku soo qaaday kooxdu, taas oo keentay in shacabku ay aad uga cabsadaan la shaqeynta ciidanka dowladda.

Weerarkii sababay in ciidanku dib uga soo baxo Galcad, waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Allaha u naxariistee Xasan Tuure oo door-weyn ku lahaa in kooxda laga xoreeyo gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud qeybo ka mid ah oo markii dambe lagu dilay.

Ciidanka dowladda ayaa aad loogu amaanaa sida ay u caawiyaan bulshada ku nool deegaanada ay ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo si daran u cunaqabateysa bulshada ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.