Daawo: Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey ‘qolo uu sida Shabaab-ka’ ula dagaalamayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aano rasmi ah oo lagu xirayo hoteellada iyo maqaayadaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha eek u yaalla magaalada Muqdisho.

Go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka ayaa dhigaya in si isku mid ah loola dagaalami doono kooxda Al-shabaab iyo cidii hadda kadib lagu arko goob lagu sameynayo ansha xumadii uu habeenadaan la dagaalamayey duqa Muqdisho.

Waxaa la xiray in la xiro dhamaan goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha, cidii ka dhega adeygta amarka maamulka waxaa loogu goodiyey sharciga lala tiigsa doono.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir wuxuu go’aankaan ku cadeeyey xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo maan-dooriyaha, una hoggaansami waaya go’aankaan lagala noqa doono shatiga ganacsi.

“Waa lagama maarmaan in la xiro goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha ee ku yaalla magaaladaan Muqdisho,” ayaa lagu yiri go’aanada ka soo baxay maamulka gobolka.

Sidoo kale maamulka ayaa cadeeyey in fasahaad culus uu ku socdo dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana bulsho badan ay ka soo cabatay waxyaabaha lagu sameeyo ama lagu isticmaalo hoteellada iyo maqaayadaha qaar.

“Laga bilaabo maanta, waxaa la xiray goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha iyo wax kasta oo anshaxa iyo akhlaaqda lidi ku ah, cidii hadda kadib lagu arko goobahaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan oo bayaanka akhriyey.

Sida lagu cadeeyey go’aanadaan waxaa sii soca doona howlgallada ka dhanka ah arrimahaan laga digayo ee maamulka gobolka Banaadir uu soo waday labadii habeen ee lasoo dhaafay.

“Howlgalladu waa soca doonaan, waxaana sida Khawaarijta loola diriri doonaa goobaha lagu gado ama laga soo dejiyo maan-dooriha,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan oo go’aanadaan cusub u akhriyey warbaahinta.

Hoos ka daawo