Villa Somalia oo ka hadashay ‘waxa ka jira’ in muddo kordhin horleh u raadineyso ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beenisay warar sheegaya in madaxweynaha iyo dowladdiisu ay muddo kordhin horleh u raadinayaan howl-galka ATMIS ee Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin qorshe ay dowladda ku dooneyso in muddo kordhin loo sameeyo howl-galka ATMIS.

Xuseen oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waxba iska badalin qorshihii bixitaan ee kal hore kaasi oo ATMIS uga hayaamayaan Soomaaliya 31-ka bisha December ee sanadka 2014-ka.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegto ATMIS, marka la gaaro 31-ka December 2024, sida uu dhigayo qaraarka UNSC ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

“Tani waa warbixin been abuur ah,” ayuu yiri Xuseen oo tweet-kiisa kusoo qaatay warbixin uu baahiyay warsidaha The East African, kaasi oo uu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh ay muddo kordhin laba sano oo dheeraad ah u raadineyso howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda ay rabto in wax ka bedel ku ameyso qorshaha ay cutubyada shisheeye ay dalka kaga hayaami doonaan bisha December ee sanadka soo socda.

“Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta go’aamadii UNSC ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670, marka la gaaro 31-ka December 2024. Waxaan diiradda saareynaa dhacdada ATMIS kadib,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo isagna beeniyay warbixinta uu baahiyay warsidaha The East African.

Wargeyskan ayaa warbixinta la beeniyay ku sheegay in ololahan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah gadaal uga riixayo isaga oo kaashanaya madaxda dalalka gobolka.

The East African ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay warbixintiisa in qorshaha muddo kordhinta ATMIS ee uu sheegay inuu wado xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh uu waafaqsan yahay soo jeedin horey uga timid dalalka ay kasoo jeedaan ciidamada taliska ATMIS.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.