Madaxweyne Biixi oo cafis u fidiyey boqolaal maxbuus

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu cafis u fidiyey boqolaal maxbuus oo ku xukunaa dembiyada fudud.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu cafiska u fidiyey 517-maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Somaliland, munaasibada 18-May awgeed, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cafis Guud

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com