Saddex cudur oo halis ah oo soonka uu ka hor-tago

Cilmibaaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay sida uu jirka aadanuhu u shaqeeyo(Physiology) ayuu ku ogaaday in markii uu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku isnadiifiyo oo uu iska saaro unugyada keeno Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa, Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurrada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterolka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah.

Iscunidda jirka(Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo 8-saacadood xiriir ah oo uusan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo dhowr maalmood, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin in ay dib usoo noolaadaan.

Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku isgaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xiriir ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa in uu sidaas joogteeyo hal bil oo xiriir sanadkiiba.

Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah bare sare oo wax ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka ee Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmibaaristaan 2016-kii ku muddeystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize-ka ee dhanka Caafimaadka.

Cilmibaarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1438-sano kahor, oo Tiirarka Islaamka ayayba kamid tahay inuu qofku Muslimka ahi Soomo 30 maalmood oo xiriir ah ka sanad kasta, Nabigeenna naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaadaanee wuxuu jideeyay Soonka 2 maalmood todobaaakiiba(Isniin iyo Khamiis), iyo Soonka maalmaha cacad oo ah 13ka, 14ka iyo 15ka bil kaste.

Ramadaankaani waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn oo uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo kuleylkeeda. Sidoo kalena waa fursad caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro halis ah oo haya ama kusoo fool leh.

Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo raxmad, dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn.

Waxaa qoray: Hussein Sabrie
Gmail: Husseinsabrie@gmail.com