Madaxweyne Bill Clinton oo isbitaal la dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladiisa

Sacramento (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa soo kabanaya kadib laba maalmood oo laga daaweynayay caabuq ka dhacay oo loo dhigay isbitaal ku yaal California, sida ay dhakhaatiirtiisu sheegeen.

75 jirkan ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda California Irvine Medical Center fiidnimadii Talaadada, waxaana ku dhacay caabuq aan ahayn COVID-19, sida uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay afhayeenka Clinton Angel Urena.

“Wuxuu ku jiraa hagaajin, niyad wanaag, wuxuuna si aad ah ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan,” ayuu qoray Urena. Afhayeenku oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hadalkiisa sii raaciyey: “Wuu kacay, wuu kaftamay oo wuxuu soo jiitay shaqaalaha isbitaalka.”

Clinton ayaa isbitaalka tagay kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa dhiigga oo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday caabuqa kaadi mareenka sida uu baahiyey telefishinka CNN oo soo xiganaya dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirta madaxweynihii hore, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack ayaa sheegay in sababta isbitaalka loo dhigay ay tahay si xaaladiisa si dhow loola socdo isla markaasna loo maamulo dawooyinka la siinayo.”

Waxay intaas raaciyeen “Waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan gurigiisa aado.”

CNN ayaa soo xigatay dhakhaatiir sheegaysa in Clinton uu ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah si ay u siiso asturnaan.

Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo madaxweyne ahaa 1993-2001, ayaa dhowr jeer horey Isbitaalka loo dhigay, iyadoo sanadki 2004 lagu sameeyey qalliin seddex geesle ahaa, sidoo kalana sanadkii 2010 ayuu maray qalliin dhanka wadnaha ah kadib markii uu furmay halbawle, wuxuuna telefishinka CNN sheegay in xaaladda hadda Isbitaalka loo dhigay aysan aheyn mid la xiriirta arrimaha wadnaha.