Tarsan iyo Mninwa Johannes oo ka wada-hadlay dilka iyo boobka lagu hayo Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay Safiirka Koonfur Afrika u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mninwa Johannes Mahlangun waxaana ay kawada hadleen xiriirka labada Dal, ilaalinta Soomaalida hantida ku heysata Dalkaas iyo qodobo kale.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada safaaradood.

Wararka sidoo kale kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada Safiir ay ka wada hadleen dhibaatada dilka iyo boobka ah ee lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada gudaha dalka Koonfur Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur ayaa safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya la wadaagay in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida oo noqday kuwo si joogto ah uga dhaca dalkaas.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo faah-faahin ka bixiyay kulanka waxa uu sheegay in Danjire Mninwa Johannes Mahlangu uu u ballanqaaday in Dowladdiisa uu gaarsiinayo fariinta ah ilaalinta Soomaalida Ganacsiga ku leh Dalkiisa.

Danjire Mninwa waxa uu dhankiisa tilmaamay in Soomaalida ganacsiga ku leh Koofur Afrika ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka dhaqaalaha Dalkaas waxaana uu uga mahadceliyay ku dhiirashada in ay hanti dhigtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan kuleh dalkaas, hayeeshee Maalin walba ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo Hantidooda.

72-dii Saac ee la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo la gubay Goobo Gamacsi ay lahaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan.