Madaxweyne Deni: Waxaa jirta arrin wanaagsan oo uu C/W Gaas sameeyey balse eedyen loogu beddelay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland oo shalay la wareegay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay waxyaabo dhowr ah oo uu kaga duwanaan doono madaxweyne Gaas.

Wuxuu ugu horeyn sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee Puntland u heli lahaayeen mushaaraadkooda, islamarkaana lacagta ugu horeysa ee laga bixin doono khasnadda ay noqon doono mushaaraad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Puntland ay kaga baahan yihiin inay bixiyaan lacagta canshuuraha, taasi oo howlo badan lagu qaban doono, isaga oo sheegay inuusan sameyn doono dulqaadkii madaxweyne Gaas ee eedeynta isku badalay.

“Madaxwayne Gaas waxuu ii sheegay in dulqaadkiisii badnaa, markii dambe uu eedayn isu baddalay, anagu taas ma yeeli doonno Sharciga ayaan ku dhaqmayna” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Wuxuu dhinaca kale amray qof kastaa oo ku sugan Puntland inay ka fogaato wax walbaa oo muujin kara ku xad gudubka sharciga Puntland.

“Qof kastaa waxaan amrayaa inuu ilaaliyo sharciga Puntland, qofkii aan ilaalin maalmaha dhow wuxuu arki doonaa ciqaab adag, ma sameyn doono dulqaadkii C/Welli Gaas ee markii dambe isaga lagu eedeeyay”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa muddada kooban ee xilka uu hayo oo gaareyso 7 Maalin wuxuu soo saaray ku dhawaad 5 amar kala duwan ahaa, kuwaasi oo qaarkood uu qoraal ahaan uso saaran halka kuwa kale uu afka ka sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com