Madaxweyne ERDOĞAN oo amray gargaar deg deg ah oo loo fidiyo Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qalab caafimaad usoo direysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, waxaa sidaas sheegay afhayeenka madaxweynaha.

“Maanta, ayada oo la fulinayo amarrada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, diyaarad xamuul oo ay ku jiraan qalab caafimaad, maaskaro, aaladaha lagu sameeyo tijaabada Coronavirus iyo qalab kale, ayaa u baxeysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka COVID-19,” ayuu yiri Ibrahim Kalin, oo qoraal soo dhigay twitter-ka Jimcihii.

Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan.

Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.

Kalin ayaa yiri “Booqashadaas waxay dareenka caalamka kusoo jeedisay dalka la hilmaamay ee Soomaaliya, waxaana Erdogan uu noqday rajada walaalaheen Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdhaba.”

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 601 kiis oo Coronavirus ah laga diiwaan geliyey dalka, ayada oo 28 qof ay u dhinteen cudurka, waxaana gargaarka uu soo diray madaxweyne Erdogan uu noqon doonaa mid aad loogu baahnaa.