Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo wajahaya laba daran mid dooro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wajahaya laba darran mid dooro, xilli aysan weli go’aan ka gaarin shirka la filayo in labada bisha May uu ka dhaco Garoowe ee dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in 2-da bisha May uu Garoowe ka furmi doono shirkan, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan.

Si kastaba, waxaa jirtay inuu horey u baaqday shir uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madax goboleedyada oo la doonayey inuu Villa Somalia ka dhaco 19-22 April, kadib markii ay diideen ama ka cududr darateen qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Waxaa shirkaas sababo jadwal uga cudur daartay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka Xaaf uu ku gacan seeray maadaama weli uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo dowladda.

Farmaajo iyo Kheyre, ayaa hadda wajahaya laba darran mid dooro.

1 – Haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, waxay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama shirkoodii lagu gacan seeray laguna qasbay inay shir kale u tagaan magaalada Garoowe.

2 – Waxay wajahayaan cadaadiska beesha caalamka, waxaana haddii ay diidaan shirka ay u ekaan doonaan inaysan dooneyn in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xilli dhowaan madax goboleedyada ay wakiilada beesha caalamka kula kulmeen Nairobi, ugana dacwoodeen dowladda dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Farmajao iyo Kheyre ay maalmihii dhowaa dhowr mar ka shireen arintan, welina aysan wax go’aan ah gaarin, ayada oo ay ku adag tahay in labada qodob mid ay qaataan.

Waxaa sidoo kale jirta in Saciid Deni uu shirkan ku dhowaaqay isaga oo aan marka hore la tashan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo xubno ku dhow Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ay ku macneeyeen “cayaar siyaasadeed oo la doonayo in dowladda gool looga dhaliyo.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com