Sheekh Shariif oo shaaca ka qaaday saddex qodob oo uu kala hadlay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray kulankii uu habeen hore madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.

Sheekh Shariif ayaa qoraal arrintaas ku saabsan oo uu soo dhigay bartiisa facebook, ku sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay saddex qodob oo kala ah, xaaladda amniga dalka, xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada, iyo doorashada 2021.

Hoos ka aqriso qoraalka Shariif

Waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay nagu casuumay kulan qada-sharaf, iyo soo dhaweyn isugu jira oo aan sidoo kalena kaga wada hadalnay marxaladda uu maanta dalku marayo.

Waxaan si gaar ah iskula soo qaadnay aniga iyo Madaxweynaha duruufaha amniga ee dalka ka jira iyo sida loo sixi karo, xiriirka sii xumaadey ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo habka ugu wanaagsan ee loo xalin karo iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa.

Madaxweynaha oo martiqaadka kulanka noo fidiyay waxaan kaloo la wadaagnay sida ay xisbiga Himilo Qaran la tahay in lagu xalin karo dhammaan tabashooyinka muuqda ee maanta dalka ka jira, wuxuuna naga ballan qaadey in doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay u qaban doonaan si xor ah oo xalaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com