Madaxweyne Farmaajo: “Kiiska ICJ wax saameyn ah kuma lahan soo celinta xiriirka labada dal”

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen inay dib usoo celiyeen xiriirkooda ayada oo kiiska maxkamadda ICJ ee badda uusan taasi wax saameyn ah ku yeelan.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka wada shaqeyn karaan, islamarkaana aysan ahayn in khilaafka dhanka badda uu hor-istaago arrimo badan oo dan ugu wada jira labada dal.

“Waa in aan qaadano waxyaabaha guud ee aan ka simanahay, intii aan ay dadku qaadan lahaayeen kala duwanaanshaha, waana sababta aan u hubo in arrinta Maxkamadda ICJ in aynan saameyn ku yeelaneyn xariirka laba geesoodka ah ee labada dhinac” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa beenin u ah war kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u muujiyey “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.”

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inaysan la yaabeyn in Monica ay qaloociso xaqiiqda kulanka, sababta oo ah horey ay marar badan sidan oo kale u samaysay.

“Monica Juma dadka qoraalkeedu ku socdo oo ay la hadleyso waa shacabka Kenya, waxayna isku dayeysaa inay shacabka Kenya caawa ku seexiso niyad wanaag, marka waxay gudaneysa shaqadeeda.” Waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku lahayn soo celinta xiriirka labada dal iyo qodobadii lagu heshiiyey maanta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay rumeystaan dowladdooda oo aysan rumeysan Kenya.

“Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu sheegtay inaysan marnaba wada-hadal ka geli doonin kiiska badda, ayna ku qanacsan tahay in lagu kala baxo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Dhageysiga dacwadda oo horey dib loogu dhigay laba goor ayaa hadda la waqtiyeeyey bisha June ee 2020, waxaana maxkamadda ay sheegtay inaan mar dambe dib loo dhigi doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com