PUNTLAND: Xil ka-qaadis itus oo itaabsii ah (Faallo)

Puntland khilaafkii siyaasadeed ayaa isu rogay gacan ka hadal. Ciidamada Boliiska Puntland ayaa weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay afar ruux, sidoo kale, waxaa ku dhawaacmay dhacdadaas shan ruux oo kale.

Waxaa xigay in isla habeenkii madaxtooyada Puntland ay qalqaalisay mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiim Dhoobo Daareed. Waxaa farriin qoraaleed loo kala diray xildhibaannada Puntland, taasoo lagu farayo inay soo xaadiraan fadhiga Baarlamaanka ee furmaya subaxa Khamiista, taariikhdu tahay November 7, 2019, si loogu codeeyo mooshin xil ka qaadis laga soo gudbiyay gudoomiyaha, oo ayna ka soo gudbiyeen 44 xildhibaan.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 53 xildhibaan, 49 xildhibaan waxay u gacan taageen in xilka laga qaado Mudane Cabdixakiim Dhoobo Daareed, kaddib markii goobta laga akhriyay qodobbo dhowr ah, oo ku qornaa mooshinka, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen.

Haddaba, hannaanka loo maray xil ka qaadista Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ma waafaqsaneyd Dastuurka Puntland? Qodobbada loo cuskaday xil ka qaadistiisa ma yihiin kuwo jira? Sharcigase muxuu ka qabaa?

Qodobbada lagu soo eedeeyay Guddoomiye Cabdixakiim waxay ahaayeen qodobbo culus, balse baaris la soo bandhigay ma aysan jirin. Dood dheer oo uu Baarlamaanka Puntland ka yeeshayna ma aysan jirin, islamarkaasna Gudoomiye Cabdixakiim fursad uu isku difaaco lama siin! Hannaanka cod dhiibashadda ma ahayn mid xeer hoosaadka Baarlamaanka waafaqsan! Baarlamaanka waxuu ku jiray fasax gaaban oo saddex cisho ah. Dhammaan qodobabbadani waxay shaki gelinaayaan saxnaashaha habka xil ka qaadista gudoomiyaha.

Qodobbada lagu soo eedayay Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed, waxaa ka mid ah (1) in xarunta Baarlamaanka Puntland uu geeyay ilaalo la heyb ah, (2) inuu Idaacada BBC-da siiyay waraysi, ku saabsan in Puntland jagooyinka sare lagu qaybsaday heyb qabiil, iyo (3) inuu la shaqeen waayey hay’adaha dowladda,

Waxaa xaqiiq ah, in qabiilka door muuqata ka ciyaaro siyaasadda Soomaaliya, waxaa jira sharciyo, iyo xeerar lagu dhaqmo oo aan qornayn sida awood qaybsiga 4.5, iyo in saddexda jago ee ugu saraysa dalka, sida, madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka, iyo raysal wasaaraha, loo dooran karin shaqsiyaad isku beel ah.

Puntland kama aysan badbaadin siyaasadda qabiilaysan, mudaddii ay jirtay. Xilalka ugu sarreeya maamulka gobolka waxaa qabanayey saddex beel, sida, madaxweynaha waxuu ka imanaye beesha degta Mudug, Nugaal iyo Bari. Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka waxuu ka imanaye beesha Sool, halka beesha degta Sanaag qabanaysay guddoomiyaha baarlamaanka.

Haddaba inuu Gudoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ka hadlo hannaanka ay wax u qaybsadeen reer Puntland, ma noqon kartaa qodob uu ku mutaysan karo inuu kursigiisa waayo?

Xeerarka aan qornayn ee lagu dhaqmo waxaa ka mid ah, in maamul goboleedyada dhamaantooda ka siman yihiin, laga soo bilaabo madaxweyne, ilaa iyo shaqaalaha rayidka ilaalada waardiyaysa waxay ku hayb yihiin madaxdooda. Dad goobjoogyaal ah waxay xaqiijiyeen in ilaalada madaxtooyada Puntland mar walba ku hayb yihiin Madaxweynihii la doorto! Haddaba Guddoomiye Cabdixakiim xilka ma ku waayi karaa in askarta ilaalisa ay la heyb yihiin oo keliya?

Waxaa run ah, in Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ka biyo-diiday barnaamijyada shirkadaha shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Imaaraadka ku hantinayaan dalka, oo ah qorshe hawleedka Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku doonaayo inuu ku maamulo siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland. Balse Guddoomiye Cabdixakiim keliya kuma eka diidmada oo waxaa la wadaaga dad badan oo ka mid ah shacabka Puntland.

Aqalka wakiilada Puntland, waxaa waajibaadkiisa ka mid ah, kormeerka (korjoogteynta), iyo la xisaabtanka xukuumadda. Sidoo kale, waxuu maamulka gobolka (xukuumadda) Puntland ku ilaaliyaa ku dhaqanka sharciga iyo xeerarka. Balse Mudane Saciid Cabdullahi Deni waxuu doonayaa inuu helo guddoon, iyo baarlamaan rabbaayad u ah madaxtooyada sidii horay u dhici jirtay. Taanna ma aha mid u adeegaysa danta shacabka, iyo gobolka, balse waxay ku biyashubaysaa kelitalis iyo diktatooriyad.

Sharciyada, xeerarka, miisaaniyadda, iyo heshiisyada waxaa lagu ansixiyaa ama lagu diidaa cod qaadis gacan taag ah, balse waxaa sharci ah in xilalka loo tartamo lagu helo ama lagu waayo cod qaadis qarsoodi ah. Haddaba sidee bay sharci u noqon kartaa xil ka qaadistii gacan taag ahayd ee baarlamaanka Puntland ku sameeyay Gudoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed?

Guddoomiyaha xilka laga xayuubiyay wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay,” inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Khubaraadda siyaasadda gobolka Puntland ayaa aaminsan , “in dhaqaale loo adeegsaday mooshinkii lagu ridayey Guddoomiye Cabdixakiim, taas ayaa keentay in cod qaadistu noqoto mid gacan taag ah si loo xaqiijiyo codbixiyeyaasha fuliyay hawlihii la faray.”

Dadka Soomaaliyeed waxa amakaag, iyo fajac ku noqday sida ay siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore Mudane Xassan Sheikh, iyo Mudane Sheikh Shariif uga  aamusnan yihiin afduubka uu Mudane Saciid Cabdullahi Deni ku samaynayo Baarlamaanka Puntland, si loo aamusiyo wakiilada shacabka, iyo dadweynaha ku dhaqan Puntland. taasoo Puntland ka abuuraysa talis keligii taliye ah!

Isimada Puntland, oo ah marjaca ugu dambeeya ayaa la filayaa inay arrinkan soo farageliyaan iyagoo ka madax-bannaan siyaasiyiinta is haysta, si xal ugu raadiyaan cakirnaanta ka jirta Puntland, iyagoo ka eegaya danta dadka iyo dalka” ayuu yiri Cigaal Yare.

Waxaase ka haboonaan lahayd in maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda  dhexe u magacaabaan guddi madaxbannaan oo soo baara dagaalkii dadka ku dhinteen ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland. Dunida waxay ka wardhowreysaa sida dowladda dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada u heli doonaan hanaan nabdoon oo waafaqsan dastuurka oo dalka lagu samatabixiyo.

W/Q: Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid