Madaxweyne Farmaajo oo berri dalka ka dhoofaya (Xagee?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in berri uu socdaalkiisii ugu horreeyey ugu baxo dalka dibeddiisa tan iyo markii xilkan loo doortay sideedii bishan, doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu uu u dhoofi doono dalka Sacuudiga oo casuumad rasmi ah uu ka helay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu casuumad ka helay boqorka dalkaas Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ay qadka taleefonka ku wada-hadleen, sida madaxweynaha uu sheegay 15-kii bishan, farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dowladda Sacuudiga ayaa wararku ay sheegayaan inay dhaqaale xooggan ugu yaboohday madaxweynaha, kuwaasi oo qeyb ka mid ah loogu talo-galay dowladda qeybna wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo cimreysan doono inta halkaas uu joogo. Lama oga inta maalmood ee madaxweynaha uu joogi doono dalka Sacuudiga.

Socdaalka madaxaweynaha ayaa imanaya wax kayar 24 saac un kadib markii maanta lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com